Cippenham Junior School (Foundation)

Elmshott Lane, Cippenham,

Slough, Berks. SL1 5RB

Telephone: (01628) 604665   Facsimile: (01628) 660696

Email: office@cippenham-jun.slough.sch.uk

Website: www.cippenham-jun.slough.sch.uk

Maamule Dugsi: Mrs B T

Maamule-ku-xigeenno: Mrs C-A H iyo Mrs M S

 

 

 

 Talaada, 8dii Disembar 2009

 

Mudaneyaal Waalidiin/Mas’uuliyiin,

 

Waxaannu haynaa waxoogaa dhowr carruur ah oo cusub, kuwaas oo ka soo qeyb qaadanaayey wax-qabasho ama hawlo waxbarasho si kor loogu soo qaado ku hadalkooda afka Ingiriisida.

Markaas, waxaannu ogaannay inay jiri karaan dad waaweyn oo ka tirsan qoysaska carruurtan, dadkaas oo iyaguna jecel fursad ay ku horumariyaan xirfadahooda (Ingiriisida).

 

Sidaas darteed, waxaannu qabanqaabinney (diyaarinney) fasallo dadka waaweyn loogu dhigi doono afka Ingiriisida, teeramka dambe (marka dugsi fasaxeedkan laga soo noqdo).

Casharrada waxaa lagu bixin doonaa dugsiga Cippenham Junior gudihiisa, waqtiga 9ka ilaa 11ka subaxnimo, maalin kasta oo Jimce ah, laga bilaabo 15ka Jannaayo ilaa 12ka Febraayo 2010. Fasalladuna waxay ku saleysnaan doonaan sheekaysi (ku wada hadlid afka Ingiriisida), waxaana loogu talogalay dadka dalkan aad ugu cusub ee afkooda Ingiriisidu uu bilowga yahay.

 

Haddii aad jeceshahy inaad timaaddo fasalladan, fadlan, daabac boggan oo soo buuxi arjigan hoose, kaddibna ku soo celi xafiiska dugsiga ugu dambeyn Arbaca 16ka Disembar 2009.

 

Waxaannu rajeyneynaa inaad ka soo qeyb geli doontaan.

 

 

Mahadsanidiin

 

 

C-A H (Maamule-ku-xigeen Dugsi)

………………………………………………………………………………………………………

 

Magac:   ………………………………………………………………………………………………..

 

Cinwaan:   ……………………………………………………………………………………………..

 

Tilifoon Lambar:   …………………………………………………………………………………

 

Waxaan/Waxaannu jecel ahay/nahay inaan ka soo qeyb galo/galno fasallada Ingiriisida ee bilaabmaya Jimcaha 15ka Jannaayo 2010, 9ka ilaa 11ka subaxnimo.

 

Waxaa saxeexay;