Ogeysiis | Links | Home | About Me | Questionnaire

Guryo Qurux Badan oo Kiro iyo Iib ah - Burco

Waa guryo cusub oo qurxo badan oo kiro iyo iib ah, kuna yaal xaafado fiican oo magaalada Burco, ee xarunta gobolka Togdheer, dhexdeeda ah. Suuqyada magaalada, adeegyada Burco, xafiisyada iwm guryuhu aad ayey ugu dhow yihiin!

Waxaa loogu talogalay dadkeenna debedaha ku nool (qurbo-joogga) ee Dalkeennii Hooyo fasax gaaban u tegaaya, muddo ku soo noolaanaaya ama halkaas degaaya.
Waa guryo waaweyn (Fillo 5 maqsin ah iyo guri la mid ah oo 4 ama 2 qol ah) oo si wanaagsan oo casri ah loo dhisay, si nadiif ah loo hagaajiyey, lana habeeyey oo diyaar ah.
Qiimaha kiraduna aad iyo aad ayuu macquul u yahay oo qof kasta u raalli gelin doonaa!

Waa guryo bilicsan oo dhalaalaaya nadiif awgeed oo aad mooddo qalcad (palace) ama qasri madaxtooyo oo dhismahooda si heer sare ah loo qorsheeyey, loo agaasimey, loona agab tirey. Waxay ku habboon yihiin dad aad iyo aad nadiif u ah oo jecel inay meel qurux badan oo nadaafad wacan iyo raaxo leh ku nastaan ama ku noolaadaan!
Sidaas darteed, guryahani ammaan iyo xayeysiin toona uma baahna ee qofkii soo arka ayuun baa ka sheekeyn kara.
Aroosyada Burco oo dhan ayaa yidhaahda "gurigan naga kireeya aannu ku aqal galno e" markay quruxdiisa, weynaantiisa iyo lacagta lagu kireynaayo ka helaan.

Xaafadaha Burco ugu fiican iyo meelo wanaagsan oo magaalada Burco ahna guryuhu way ka dhisan yihiin, sida biyo aan go'ayn (24ka saac), ileys, dhul beerashada/khudradda iwm ku habboon, bannaano carruurtu ku ciyaarto, meel hawo macaan leh, sanqadh yaraan iyo nefis, goobaha waxbarashada, maamulka dawladda, adeegyada bulshada, miyi/deegaan xoolo ama beerasho iwm u dhow oo daawasho iyo dalxiis u noqon kara qurbo-joogga... iyo waxyaalo kale oo faro badan oo aan halkan lagu soo koobi karin!
Faah-faahin dheeraad ah? Fadlan, akhriso Su'aalaha iyo Jawaabaha hoos ku qoran.

Su'aalo iyo Jawaabo

S1) Kiradu waa immisa? Guriga maa immisa? Kiradu waa meeqa? Ijaarka bishii waa immisa dollar? Guriga maxaa lagu kireynayaa?
S2) Gurigu immisa maqsin weeye? Immisa qol waaye? Kor iyo hoos waa immisa maqsin/qol? Gurigu waa sidee? Fooq, dabaq, Fillo iwm? Gurigu ma biyaano mise waa fillo (villa)? Guriga qiyaastiisu/ballaciisu intee le'eg tahay?
S3) Gurigu xamaam, qubeysi, bashiinoo lagu qubeysto iwm ma leeyahay?
Gurigu albaab weyn iyo meel baabuur/gaadhigu galo ma leeyahay? Immisa gaadhi baa guriga geli kara/meeqa baabuur ku xeroon kartoo?

S4) Jidadka/waddooyinka mara guriga agagaarkiisa ka warran eg Laami, jid cadde, jay, bacaad iwm...?
S5) Xaggee/halkee/meeshee ayuu gurigu ku yaal?
S6) Gurigu xaafad sidee ah ayuu ku dhexyaal eg bulsho, buuq/qaylo, deggan...sanqadh yar?
S7) Gurigu dhul sidee ah ayuu ka dul dhisan yahay/ku fadhiyaa eg dalcad, tiiro, tuur, godan iwm?
S8) Gurigu dugsi, iskool (school) wax laga barto ma leeyahay?
S9) Ileyska, korontada (danabka), biyaha iwm ka warran. Biilka yaa bixinaaya? Qofka guriga ku jira maa dhiibayoo mise kirada guriga ku xisaabsan yihiin?
S10) Gurigu bannaan, barxad, bashiinad?, garoon lagu ciyaari karo ma leeyahay?
S11) Guriga ma la kiraynayaa mise waa iib? Guriga ma kireeyneysiin mise waa gadeeysiin/la gadaa? Guriga iibka ah waa immisa dollar?
S12) Dhul bannaan ama jago iib ah iyaga ma heysaan/ma iibineysaan?
S13) Guryaha intee lagu dhisaa Burco, Guri Weyn maxaa ku dhiseysaan?
S14) Magaalada Burco waa xaggee? Halkee ayey ku taal? Hargeysa intee ayey u jirtaa?
S15) Sidee ayaan idiin la soo xidhiidhaa/xidhiidhi karaa? Qofka guriga kiraynaya, dadka guriga leh sidee loo heli karaa?
Sx) Su'aal Cusub oo aan liiskan kore ku jirin?

Guri Weyn, Burco

S1) Kiradu waa immisa? Guriga maa immisa? Kiradu waa meeqa? Ijaarka bishii waa immisa dollar? Guriga maxaa lagu kireynayaa?
J1) Waxay ku xidhan tahay:
i) Guriga aad rabto inta uu le'eg yahay
sida 2 qol, 4 qol, 5 qol iwm,
ii) Dadka guriga gelaaya (sida qurbo-joog, cid kale iwm) iyo toradooda tusaale xaas weyn/badan oo carruur leh, xaas yar oo aan carruur wadan, qof keli ah/soolane iwm iyo
iii) Muddoda aad guriga ku jirayso sida 1 bil, 3 bilood, 6 bilood, sannad iyo ka badan.

Sidaas darteed, kirada guryaha sidan hoos ku xusan ayaa loo qorsheeyey:
1
) Si kharashka looga dhimo dadka qurbo-joogga ah ee guriga doonaya, qofkii keli/soolane ah, dhalinyarada, xaas yar iwm waxaa laga kiraynayaa guri 2 qol ama 4 qol ah oo si heer sare ah loo goglay, loona diyaariyey. Gurigani biyo socda iyo ileysba wuu leeyahay.
Guriga 2da qol ah kiradiisu waa $50 bishiiba (gogol la'aan) ama $70 bishiiba (goglan).
Guriga 4ta qol ahna kiradiisu waa $100 bishiiba (gogol la'aan) ama $120 bishiiba (goglan).

Haddii kirada iyo biilasha laga heshiiyo, qof guriga hagaajiya eg dhar maydhis, sariiro gogol, guri nadiifin iwm ayaa dadka gurigan kireysta loo qaybin karaa! Cunto karinise kuma jirto.
Hase yeeshee, kirada la bixiyo iyo sida loo bixiyo ayey ku xidhan tahay!
Qofkii waayeel ah ee keligii guriga kireysanaya, xaasaska yar-yar ama reerkii aan carruur wadan wax rahmaad, deebaaji (deposit) ama hore-u-marin (advanced payment) ah oo laga rabaana ma jirto.

2) Sidoo kale, reeraha waaweyn, xaasaska carruurta wata iwm waxaa u diyaar ah fillo/fiilo (villa) idil oo iska dhan. Debed, gudo, daarad, meeshii baabuurka iwm oo aan cid kale kula wehelin!
Gurigani biyo 24ka saac socda iyo ileysba wuu leeyahay. Kiraduna waa $120 bishiiba (gogol la'aan) ama $150 bishiiba (goglan). Reerkii xaas weyn ah ama carruur wata shaqaale guri kuma jiro kiradooda waayo cid kale soo dhex geli meyso, gurigana kuma wehelineyso! Sidaas darteed, iyagaa guri hagaajintoodaa sida guri gogol, dhar maydhis, sariiro gogol, guri nadiifin, cunto karin iwm ka mas'uul ah!

Haddii aan dad waayeel ah ama mas'uul loo arag, laga yaabaa in lacag deebaaji ah (deposit), raxmaad iyo hore-u-marin (advanced rent) la weydiiyo xaasaska carruur badan ama dhallinyaro yaryar wata!
Hase yeeshee, lacagtoodan rahmaadda, deebajiga ama hore-u-marinta ah oo idil inta aan reerku guriga ka bixin ka hor ayaa loo wada celinayaa - haddii aanay wax jejebin/burburin ama khasaare/dhaawac kale guriga/gogosha iwm soo gaadhsiinin, kiro ama deyn kalena aan lagu laheyn.

3) Muddo dheer oo 3 bilood ka badan dadkii guriga ku jiraya qiime dhiman (discount) oo xagga kirada ah ayaa loogu deeqi karaa! Qorshahan oo loogu talogalay qurbo-joogga oo keliya waa sida shaxdan hoose ku xusan:
1-3 bilood 3-6 bilood 6-12 bilood Sannad iyo ka badan
Guri yar oo 2 qol ah (gogol la'aan) $50 bishiiba $45 bishiiba $40 bishiiba $35 bishiiba Guri yar oo 2 qol ah (goglan) $70 bishiiba $65 bishiiba $60 bishiiba $55 bishiiba
Guri dhexe oo 4 maqsin ah (gogol la'aan) $100 bishiiba $95 bishiiba $90 bishiiba $80 bishiiba Guri dhexe oo 4 maqsin ah (goglan) $120 bishiiba $115 bishiiba $110 bishiiba $105 bishiiba
Guri weyn/Fillo oo 5 qol ah (gogol la'aan) $120 bishiiba $115 bishiiba $110 bishiiba $105 bishiiba Guri weyn/Fillo oo 5 qol ah (goglan) $150 bishiiba $145 bishiiba $140 bishiiba $ 135 bishiiba

--- Taas oo macnaheedu yahay ---
1a) Guriga yar ee 2da qol ah (gogol la'aan): 1-3 bilood = $50 bishiiba, 3-6 bilood = $45 bishiiba, 6-12 bilood = $40 bishiiba, Sannad ka badan = $35 bishiiba.
1b) Guriga yar ee 2da qol ah (goglan): 1-3 bilood = $70 bishiiba, 3-6 bilood = $65 bishiiba, 6-12 bilood = $60 bishiiba, Sannad ka badan = $55 bishiiba).

2a) Guriga dhexe ee 4ta maqsin ah (gogol la'aan): 1-3 bilood = $100 bishiiba, 3-6 bilood = $95 bishiiba, 6-12 bilood = $90 bishiiba, Sannad ka badan = $80 bishiiba.
2b) Guriga dhexe ee 4ta maqsin ah (goglan): 1-3 bilood = $120 bishiiba, 3-6 bilood = $115 bishiiba, 6-12 bilood = $110 bishiiba, Sannad ka badan = $105 bishiiba).

3a) Guriga weyn (Fillo) (gogol la'aan): 1-3 bilood = $120 bishiiba, 3-6 bilood = $115 bishiiba, 6-12 bilood = $110 bishiiba, Sannad ka badan - weligeed = $105 bishiiba.
3b) Guriga weyn (Fillo) (goglan): 1-3 bilood = $150 bishiiba, 3-6 bilood = $145 bishiiba, 6-12 bilood = $140) bishiiba, Sannad ka badan - weligeed = $135 bishiiba).

Fadlan, Ogow: Guryahani si habboon ayey u goglan yihiin, loona diyaariyey waxaana loogu talo galay dadka dalxiiska ah ee debedaha ka imanaaya! Inkastoo markii hore la gogley, guryaha gogol la'aan ayaa imminka lagu kireynayaa kaddib markii dad badani sidan soo codsadeen.
Hase yeeshee, reerkii guri goglan doonaaya si wacan waa laga gogli karaa - gurigii ay doonaan!
Ta kale, kiradan jaban ee kor ku qorani waa dadka qurbo-joogga ah oo keliya!
Dadka kale waxaa wax lagaga kireynayaa qiimaha ay guryuhu Burco ka joogaan (iyadoon waxba lagu darin, wax laga dhimo mooyaane). Ciddii rabta guri goglan waa laga wada hadli karaa.

S2) Gurigu immisa maqsin weeye? Immisa qol waaye? Kor iyo hoos waa immisa maqsin/qol? Gurigu waa sidee? Fooq, dabaq, Fillo iwm? Gurigu ma biyaano mise waa fillo (villa)? Guriga qiyaastiisu/ballaciisu intee le'eg tahay?
J2) Waa 2 guri oo si fiican loo goglay, looguna talo galay dadka debedaha ka imanaaya ee Dalkii Hooyo dalxiis iwm u tegaaya:
i) Guri 5 qol ah oo ka kooban 4 hurdo oo waaweyn iyo meelo marti, shaqaale iwm loogu talogalay, 1 fadhi oo waasac ah, 1 jiko/madbakh ballaadhan, 2 suuli/musqulo (bathrooms) oo widhwidhaaya nadaafad awgeed, meelo alaabada/cuntada iwm la dhigan karo (store), daarad aad u weyn oo guriga oo dhan ku wareegsan, bersed debedda ah oo la fadhiisto, lagu laydhsado ama lagu qayili karo... albaab weyn (gate/ganjeello) oo baabuurta iyo dadku ka soo galaan/ka baxaan..., biyo joogto ah oo 24ka saacadood socda iyo weliba meel taangi biyood la saaro, qasabadihii biyaha, ileys iwm...
Gurigan weyni wuxuu ku fadhiyaa dhul cabbirkiisu dhan yahay 24 mitir dhinac kasta. Waa 24mitir x 24mitir (ama 24 mitir oo laba jibbaaran!). Waa guri aad u weyn!

ii) Guriga kalena waa 2 qol ama 4 qol oo sidaas guriga weyn oo kale loo dhisay. Guryuhu kor iyo hoos ma kala laha. Guri kastaa waa siman yahay! Guriga weyni waa 5 qol, guriga kalena 4 (Guri dhexe) ama 2 qol (Guri yar) weeye. Guryuhu waa fillo (villa) ee fooq, fooqyo ama dabaqado is-dulsaaran ma aha!

Sidoo kale, guriga 'dhexe'/'yar' isaguna waa guri weyn ee magacyadan 'dhexe' iyo 'yar' waxaa loo isticmaalay si labada guri (Weyn iyo Dhexe/Yar) loo kala duwo 'tilmaantooda'- iyadoo kolba la 'tilmaamaayo' inta maqsin ee la kireynaayo, sida Weyn = 5 qol, Dhexe = 4 qol iyo Yar = 2 maqsin.

Fadlan Ogow, Labada guri aad iyo aad ayey isugu dhismo eg yihiin. Waxa keliya ee ay ku kala duwan yihiin waa:
i) Gurina 4 maqsin ama 2 qol ayaa la kireynayaa (Guriga yar iyo Guriga dhexe, sida ay u kala horreeyaan). Maqsinnada/qolalka kale qofka guriga leh/dadka guriga kiraynaya ayey marmar u xidhan yihiin (waa marka 2 qol la kireynaayo e). Ama shaqaale amaba dad kale oo kireystey ayaa kolkol ku jira. Hase yeeshee, gurigan 4ta qolba waa kiro - ama laba reer ha guuleen ama reer qudhi guriga oo dhan ha wada kireysto e!
ii) Guriga kalena (Guriga weyn) waa 5 maqsin oo kulligiis/isagoo idil (gudo iyo debed) ayaa la wada kiraynayaa!

S3) Gurigu xamaam, qubeysi, bashiino lagu qubeysto iwm ma leeyahay?
Gurigu albaab weyn iyo meel baabuur/gaadhigu galo ma leeyahay? Immisa gaadhi baa guriga geli kara/meeqa baabuur ku xeroon kartoo?

J3) Haa, waxyaalo badan ayuu gurigu leeyahay! Gurigu meel lagu maydho/qubeesto iyo suuliyo nadiif ah oo si heer sare ah loo sameeyey ayuu gudaha ku leeyahay.
Albaab weyn (ganjeello) loogu talo galay inay baabuurta iwm ka soo galaan ayuu leyahay. 2 baabuur ayuu gurigani qaadi/xerayn karaa. Reer weyn ama xaas baabuur wata ayaa marka horeba loo dhisay!

S4) Jidadka/waddooyinka guriga agagaarkiisa mara ka warran eg Laami, jid cadde, jay, bacaad iwm...?
J4) Gurigani xaafad fiican dhexdeed oo aan jabaq iyo sanqadh toona laheyn ayuu ku yaal. Sidaas darteed, jidad/waddooyin caadi ah ayaa ag mara oo baabuur iwm ay isticmaali karaan. Laamiguna (jid cadde) kama foga ee in yar ayuu u jiraa. Markaas gurigan si hawl yaraan ah ayaa baabuur loogu soo geli karaa, loogana bixi karaa! Markii la dhisaayey ayaa loogu sii talo galay oo si weyn looga sii fekeray loona sii qorsheeyey!!

S5) Xagee/halkee/meeshee ayuu gurigu ku yaal?
J5) Laba Guri ayaa la kiraynayaa!
i
) Guri 4 maqsin ama 2 qol ah oo dadka dhallinyarada/soolanaha ah (single), xaasaska/reeraha aan carruurta wadan iwm loogu talo galay. Wuxuu ku yaal dhinaca Galbeed ee magaaalada Burco - Burco Galbeed.
ii) Guri weyn (fillo) oo xaasaska (Family etc), reeraha faraha badan ama carruurro badan wata, koox, kooxo ama dad badan oo wada socda loogu talo galay. Wuxuu ku yaal xaafadda wacan ee Shacabka Burco!

S6) Gurigu xaafad sidee ah ayuu ku dhexyaal eg bulsho, buuq, qaylo, deggan...?
J6) Xaafadda Shacabka ee guriga weyni ku yaal waxaa ku nool:
Madaxda dawladda sida guddoomiyeyaasha gobolka (badhosaabka), degmada, booliiska, jeelasha, askaraha, maxkamadaha, shaqaalaha dawladda iyo urrurrada kale sida NGOs, hay'adaha caalamaiga ah iyo kuwa dalka...Cusbitaalka/dhakhtarka weyn ee Burco, Dugsiyada BADANKOODA, guryaha macallimiinta/bareyaasha, jaamacadda Burco, jidadka laamiga ah ee Xamar iyo Berbera, biriijka Burco... iyo waxyaalo kale oo fara badan oo faa'iido weyn u leh Xaafadda Shacabka iyo magaalada Burco guud ahaan ayey xaafaddani ku hodan tahay.
Sidaas darteed, dad aad iyo aad u wanaagsan oo asluub badan oo aan sanqadh iyo dhibaato kale toona laheyn ayaa xaafaddan deggan oo ka buuxa! Runtii qof madax ah, shaqo sare haya ama fiican, dad muhiim ah, arday edeb leh iwm cid aan aheyni meeshan kuma noola!
Xaafadda Shacabkuna waa meel hawo macaan, biyo joogto ah iyo ileys leh.
Sidaas darteed, meesha gurigani ku yaal waa dhul bilicsan oo beeraha khudradaha (kuwa la cuno, cuntada iyo kuwa kaleba), wax-soo-saarka iwm ku fiican oo indhuhuna ay ku doogsadaan!

Guriga kalena, xaafad iyaduna aad u fiican oo dadka debedaha ka yimid ay ku badan yihiin (kuwo dalka dib ugu noqday oo meesha degey ama guryo iwm ka dhistay, kuwo halkaas guryaha ka kireysta markay dalxiis u tagaan, qaar kale oo iyaguna guryo xaafaddaas ku yaal fasax u qabta ama dad meesha deggan booqasho ugu taga iwm) ayaa xaafaddaas ka buuxa!
Dadka kale ee degaanka ah, ee dadkan debedaha ka yimid weheliyaana waa dad la mid ah oo ay isku dhaqan yihiin oo iyaguna fiican, si wacanna ay isu fahmeen!!

S7) Gurigu dhul sidee ah ayuu ka dul dhisan yahay/ku fadhiyaa eg dalcad, tiiro, tuur, godan iwm?
J7) Gurigu dhul fiican oo siman (oo aan laheyn dalcad, tiiro, tuur, buur godan iwm) ayuu ku fadhiyaa! Si habboon oo aad iyo aad u adagna waa loo dhisay (gudo iyo debed, kor iyo hoos, dhulka/seeska iyo dushaba), oo loogu talo galay inuu roob sare, roobab badan, daadad waaweyn, dabaylo xoog leh ama duufaanno laxaad leh iwm si hawl yar uga nabadgalo! Shirkad wanaagsan oo farsamoyaqaanno heer sare ah leh iyo dadkii lahaa ayaa dhismaha guryahan si cilmiyeysan u sii hindisey uguna faro yareystey ee guryahani wax baayacmushtar ama ka sii ganacsi iyo si fudud loo dhisay toona maaha. Daadadkii iyo roobaabkii waaweynaa ee ugu dambeeyey ee dhismaha magaalada ama dalka kaleba waxyeelay, guryuhu 100% way ka nabadgaleen oo biyo iyo dabeyli wax yarna may yeelin. Maansha Allaah!!

S8) Gurigu dugsi, iskool (school) wax laga barto ma leeyahay?
J8) Magaaladu dusgsiyo badan (hoose, hoose/dhexe, dhexe, sare iwm), Jaamacad iyo mac'hadyo Qur'aanka/cilmiga diinta u gaar ah, kuwo takhasus ah (specialist) iyo kuwo lacag/biribaati ah (private) ayey leedahay! Dugsiyadan badankooduna xaafadda Shacabka ee Gurigan Weyni ku yaal ayey AAD iyo AAD ugu dhow yihiin - uguna badan yihiin!
Sidoo kale, hablo Qur'aanka dugsiyo Qur'aan ka dhiga (sisters) ayaa Guriga dhexe/Guriga yar 2 qol kaga nool. Sidaas awgeed, ayaa 2 maqsin/qol uun loo kiraynayaa (Guriga yar)!
Waxaa kale oo xaafaddan ku yaal dugsiyo tiro badan, gaar ahaan, dugsiyo ama kulliyado gaar loo leeyahay (private institutions) oo dad ama shirkado leeyihiin kuwaas oo lagu barto waxbarashooyin fiican sida farsamada, baabuurta, dhismaha... afafka (international languages) iyo maaddooyin kale oo kala geddisan.

S9) Ileyska, korontada (danabka), biyaha iwm ka warran. Biilka yaa bixinaaya? Qofka guriga ku jira maa dhiibayoo mise kirada guriga ku xisaabsan yihiin?
J9) Gurigu biyo 24ka saac socda iyo ileys (koronto) ayuu leeyahay.
Qofka guriga kireystay ayaa biilashiisana ka mas'uul ah. Korontada iyo biyahaba qofka guriga ku jira ayaa iska bixinaaya/dhiibanaaya.
Hase yeeshee, guriga yar (2 maqsin/qol) waa laga heshiin karaa sida loo bixinaayo. Sababtuna waxay tahay, dad ayaa marmar gurigan ku nool ama kiro ugu jira oo ileyska, biyaha iyo wax walba iyagu aqalkan soo geliyey. Biilashana bixiya! Sidaas darteed, waxay ku xidhan tahay inta kiro ah ee qofku bixiyo iyo siduu u bixiyo! Kiradana iska bixi, biilashana qayb bixi. Ama kiro uun bixi, biilashana dadka guriga ka mas'uulka ah ama kirada ugu jiraa ha isu qabeen! War cad, sow maaha?

Guriga weyn, dadka kireystay ayaa biilashoodana iska bixinaaya! Cid biil iwm la qaybsata ama ileyska iyo biyaha la isticmaashaa ma jirto waayo gurigan oo dhan keligood ayaa ku nool - gudo iyo debed!!

S10) Gurigu bannaan, barxad, bashiinad?, garoon lagu ciyaari karo ma leeyahay?
J10) Haa. Gurigu gidaar/deyr (gate) weyn oo ku wareegsan iyo daarad ballaadhan oo gudaha ah ayuu leeyahay. Markaas, carruurtu aqalka gudihiisa (inside the gate) iyo kadinkiisaba/irriddiisaba way ku cayaari kartaa. Guriga debeddiisana way u bixi karaan oo goobaha bannaan ama garoonada xaafadda dhexdeeda ah ayey kubbad (banooni iwm) ay ku dheeli karaan!
Sidoo kale, goobaha waxbarashada, maamulka dawladda... beeraha/dhul-beereedka, khudradda/doogga iwm, xoolaha/daaqa, dhismeyaasha fiican iyo deegaanka xaafadda ayey carruurta iyo ciddii dalxiis ama minjo-baxsi u baahani soo daawan karaan!

S11) Guriga ma la kiraynayaa mise waa iib? Guriga ma kireeyneysiin misa waa gadeeysiin/la gadaa? Guriga iibka ah waa imisa doolaar?
J11) Guryaha halkan lagu xayeysiiyey kiro iyo iib ayey isugu jiraan! Sidaas darteed, waxaa la hayaa aqallo qurux badan oo kiro ama iib u diyaar ah.
Gurigan shirkad wanaagsan oo dhismaha ku xeeldheer iyo dadka guriga leh ayaa wadajir u hindisey oo farshaxankiisa iyo dhismihiisaba iska kaashaday. Sidaas awgeed, si adag ayaa loo dhisay. Waxaa aqalkan loo dhisay oo loo farsameeyey sida dhismaha guryaha debedda oo kale, tusaale, jiko (madbakh) weyn oo caalami ah, suuliyada lagu fadhiisto ee reer Galbeedka/Yurub, qasabado socda (water taps), qubeysooyin (2 showers), fadhi ballaadhan, marmarka guriga la dhigay ee meel kasta lagu xardhay, naqshadda xamaamka ama meelaha qubeyska (bathrooms), rinjiga gidaarada/guriga, daaqadaha/albaabada guriga... irridda/kadinka (gate) baabuurku ka soo galo, meel baabuurka la dhigo (parking), daarad waasac ah iwm!
Sidaas awgeed, gurigani wuxuu ku fiican yahay dadka qurbo-joogga ah. Dhismihiisa oo dhan si gaar ah ayaa loo sii hindisey, loona qorsheeyey. Waxaana loogu talogalay dadka qurbo-joogga ah ee raba inay ku noolaadaan guryaha qurbaha oo kale - oo Dalkii Hooyo ka dhisan!

Qiimaha gurigan lagu iibinayaana waa qiime macquul ah oo ka kooban raasamaalkii guriga (qiimihii iyo kharashyadii jagada/dhulka, lacagtii dhismaha guriga iwm), hawlihii dambe ee guriga lagu sii kordhiyey ama lagu habeeyey sida dib-u-hagaajin, qurxin iwm iyo qiime-korodhka guud ee guryaha (inflation).
Hadal iyo dhammaan, gurigan waxaa lagu iibinayaa qiimaha uu maanta Burco ka joogo ama guri la mid ah oo tayo sare leh Burco lagaga dhisi karo (shirkad farsamada dhismaha aqoon sare u leh ama farsamoyaqaanno xirfad wacan leh). Qiyaas ahaan, guri noocan oo kale ah waxaa lagu qiimeeyaa inta dhaxeysa $30 kun - $35 kun (inkastoo qiimaha guryaha, jagooyinka/dhulka, qalabka dhismaha, lacagta shaqaalaha... iwm ay maalin walba is beddelayaan, siina kordhayaan).
Guryahana dillaaliin qiimaha guryaha iwm la socota ayaa loo dirtaa oo dadka u kala iibisa!

Aqalkani waa fillo (villa) qurux iyo qaayo leh oo ka kooban qolal waaweyn: 3 hurdo oo waasac ah iyo maqsin kale oo hurdo 4aad ama qol martida ama shaqaalaha iwm seexdaan, 1 fadhi oo ballaadhan, 1 jiko/madbakh weyn, 2 suuli/xamaam (bathrooms) oo nadiif ah, meel cuntada/alaabada iwm la dhigto (store), daarad weyn, albaab weyn (ganjeello) oo baabuurta iyo dadka loogu talogalay..., taangiga biyaha, qasabadaha biyaha, ileys iyo waxyaalo kale oo muhiim ah.
Xagga farshaxanka, guriga oo idil (debed iyo gudo, kor iyo hoos) iyo qolalkiisa oo dhan (fadhi, hurdooyin, madbakh, suuliyo/qubeysooyin...) sida guryaha qurbaha oo kale ayaa loo wada dhisay, loona naqshadeeyey.
Sidaas darteed, dadka qurbo-joogga ahi hawl yaraan ayey gurigan ugu noolaan karaan, adeeggiisa iyo qalabkiisaba si fudud ayey u wada isticmaali karaan.
Aqalkani wuu dhammeystiran yahay oo wax laga beddelo ama alaab lagu kordhiyo midna uma baahna - haba yaraatee! Gurigani kiro iyo iib labadaba diyaar ayuu u yahay!!

Ugu dambeyn, qofkii doonaaya inuu Burco guri ka dhisto ama guri dhisan ka iibsado (sida dadka badankiisu sameeyo) waxaa lagu xidiidhin karaa dad fiican oo guryaha iibiya. Waa dilaallo aammin ah ama shirkado guryaha ka ganacsada oo xafiisyo leh.
Markaas, haddii aad guri/guryo iib ah rabto ama guryahan lagaa hor iibsado/hor kireysto, waxaa laguu tilmaami karaa habka iyo meelaha aad guryo kale ka heli karto sida dillaalo, xafiisyo iyo shirkado guryaha, dhulka iwm iibiya ama kireeya oo magaalada Burco deggan.

S12) Dhul bannaan ama jago iib ah iyaga ma heysaan/ma iibineysaan?
J12) Haa. Waxaa la iibinayaa dhulal bannaan iyo jagooyin ku yaal xaafado wanaagsan oo magaalada Burco dhexdeeda ah!

Dhulalkan iyo jagooyinkan la iibinayaa waa:
i) Jago 2 (laba) baloodh ah kuna dhegsan Guri Weyn (Fillo) oo isaguna kiro/iib ah kuna yaal Shacabka Burco. Gurigan cusub laftiisa si wacan ayaa loo dhisay, dhowaanna waa la sii hagaajiyey oo la qurxiyey!

Sidaas darteed, qofkii dhulka iyo gurigan wada iibsadaa wuxuu fursad fiican u helayaa inuu jagada iyo gurigan dhisan kolba sida uu doono uu isugu dhiso ama u kala dhisto! Tusaale ahaan:
- Inuu jagada iyo guriga dhisan isu furo oo gurigii hore weyneeyo.
- Inuu guri kale oo gooni ah jagada ka dhisto.
- Inuu guri 2aad jagada ka dhisto, kaddibna labada guri dhexda isaga furo/faruuro ama isku wada daro.
- Inuu jagada badhna guriga hore ku kordhiyo. Badhka hadhayna guri/dhismo kale ka dhiso...
-- iyo siyaabo kale oo BADAN! Si kastaaba u toosan!

ii) Dhul weyn oo bannaan oo 8 (siddeed) baloodh ah oo ku yaal xaafad Burco ah. Waa jago aad u WEYN qofkii iibsadaana wuxuu u madaxbannaan yahay inuu wixii uu doono ka dhiso sida guryo kala noocnooc ah, meherado kala duwan, xarun/gole, beer (khudrad/cunto?, xoolo iwm), isku-jir guryo iyo meherado ama dhismoyaal kale isugu dhafan iwm.
Jagadan waa la hagaajiyey oo sees adag (solid foundation) loo yeelay. In la dhisto ayey diyaar u tahay!

Haddii aad Burco joogto ama cidi kuu joogto, dhulalka/jagooyinka iyo guryahaba waa laguu soo tilmaami karaa si laguugu soo eego!

S13) Guryaha intee lagu dhisaa Burco? Guri Weyn maxaa ku dhiseysaan?
J13) Qiimaha guryaha lagu dhisaa waxay ku xidhan tahay waxyaalo faro badan oo ay ka mid yihiin: guriga aad rabtaa intuu le'eg yahay, dhulka aad haysato ee aad dhisaneyso iyo kolba meesha qiimaha qalabka dhismaha, mushaharka shaqaalaha iwm ay marayaan. Sidaas darteed, sixir go'ani ma jiro!
Hase yeeshee, shirkado waaweyn iyo dad guryaha dhisa ayaa jira oo aad qiimaha iwm kala xidhiidhi karto ama lagugu xidhi karaa - haddii aad guri dhisaneyso!
Ta kale, sida aad xayeysiinta ka akhrisan karto, guryo dhisan oo kiro ama iib ah iyo dhulal/jagooyin ayuun baa halkan lagu xayeysiiyey ee annagu shirkad guryaha dhista ma nihin! (Laga yaabaa inaannu aayaha dambe guryaha dhisno. Haddiise aannu go'aansanno, halkan ayaannu ku soo xayeysiin doonnaa. Insha Allah).

S14) Magaalada Burco waa xaggee? Halkee ayey ku taal? Hargeysa intee ayey u jirtaa?
J14) Burco waxay ku taal jid caddaha weyn ama laamiga dalka ugu dheer ee xidhiidhiya caasimadda Hargeysa (galbeed) iyo magaalo-madaxdii hore ee Xamar (Koonfur)!
Qiyaas ahaan, Burco waxay Hargeysa u jirtaa ilaa 150? kiiloomitir (km) ama 3-4 saacadood.

Burco waa caasimadda 2aad ee dalka waana magaalo da' weyn oo taariikh dheer, maamuus sare iyo magac fiican ku leh dalka iyo adduunka kaleba. Waa magaalo 'guun' ah oo ka tilmaaman magaalooyinka dhulkeenna ku yaal oo idil, gaar ahaan, dhinacyada ganacsiga, bulshonnimo, ciyaaraha, dhaqaalaha, hiddaha iyo dhaqanka, suugaanta... halgannadii gobannimodoonka ee dhulkeenna ka dhacay oo dhan!
Weligeed ayey Burco xarun dhaqaale, magaalo ganacsi iyo goob siyaasadeed oo taariikh weyn leh aheyd
- ilaa waagii ilbaxnimooyinkii hore ee dunida, waqtigii gumeysteyaasha reer Yurub, xilligii dawladdii Faqash iyo kuwii ka horreeyey ilaa maanta.

Baayacmushtar qoto dheer oo soo-jireen ahaa awgeed, Burco waa 'seyladdii' ganacsi ee uu ku baxay gabaygii caanka ahaa ee Iibsi Lacageed iyo maansooyin ama murtiyo kale oo arrintan tilmaamaaya.

Sidaas darteed, Burco waa magaalo magac weyn oo aad iyo aad u bilic badan, nadiif ah (had iyo goor) oo weliba cimilo wanaagsan, biyo macaan oo hodan ah iyo dhul xariir ah oo siman leh.
Tusaale ahaan, Burco ma laha dalcado baabuurtu dib uga soo siibato/degto, tiirooyin aan dadku kori karin ama dhagxaan lagu kufo, tuuro ama buuro aan biyaha, ileyska iwm aanay gaadheynin amaba gaadiidku dhibsado oo aanu u bixin, godanno biyaha roobabka/dacda iwm ay fadhiistaan oo dadku ku dhaco ama qashinka iyo qudhunka magaalada lagu qubo... daadad ama dooxyo buux dhaafa oo dad iwm qaata, magaalada kala xidha, gaadiidkuna ka bixi kari waayo amaba waxyeello kale geysta, biriij xalis ah oo dadka, gaadiidku iyo xayawaanku ka dhaco... dad xad dhaaf ah (overcrowding) iyo dembiyada ama dhaqan-xumooyinka ka dhasha sida is-miidaamin iyo qaraxyo dadka masaakiinta ah lala beegsado... sixir-barar dhinac kasta ah, dhibaatooyin nololeed oo joogto ah, siyaasad ama qalalaase kale iwm... cimilo xun oo marna qabow xoog leh ah, marna kuleyl xad-dhaaf ah, iwm.
Intaas waxaa u sii dheer, Burco waa deegaan dalsan ah oo ballaadhan oo daaqsinka xoolaha, ugaadha/duur-joogta, beeraha iwm ku habboon! Iyo weliba hawo wanaagsan oo aan magaalooyinka kale laga helin.

Burco waxay leedahay dhismeyaal casri ah oo qurux badan, waddooyin waaweyn, laami ama jid caddeyaal dhaadheer (Berbera, Xamar/bari...Hargeysa), jidad halbowleyaal ah (oo dalka intiisa kale ku xidha), dariiqyo ballaadhan, biriishyo casri ah oo waaweyn, madaar (airport) caalami ah... goobo waxbarasho jaban iyo tacliin/tababarro tayo sare leh, dugsiyo Qur'aan, caafimaad fiican sida cusbitaallo badan oo kala geddisan iyo dhakhtarro tiro badan... dad wanaagsan oo il-magaalo iyo il-miyi ah oo horumarka jecel, iskoodna-wax-u-qabsada, suuqyo badan oo waasac ah oo badankoodu xaafadaha ku dhex yaallaan.

Magaaladu waxay ku taal xuddunta iyo wadnaha dalka (badhtama) iyadoo ah isgoyska (cross roads) kulmiya Woqooyi (xeebta Badda Cas iyo dekedda caalamiga ah ee Berbera), Bari (xeebaha dhereran ee Sanaag ilaa Boosaaso...), Koonfur (ilaa Xamar iyo wixii ka sii shisheeya), Galbeed (caasimadda Hargeysa ilaa Jabuuti) iyo Hawd (miyiga baaxadda weyn ee Gobolka Togdheer iyo degaanka Oodweyne iwm ilaa dalalka Itoobiya iyo Kiiniya)!
Sidaas darteed, Burco waxay xidhiidh wanaagsan oo ganacsi la leedahay (weligeedna la lahaan jirtey) magaalooyinka iyo tuulooyinka dalka oo idil! Taas oo keentay in magaaladu isu beddesho xarun ganacsi oo ku caan ah wershedo casri ah sida biyaha (3), hilibka (1), hargaha iyo saamaha (1), saabuunta (2) iyo kuwo kaleba! Maalin walba wershedo ama dhismeyaal cusub ayaa la hindisayaa ama la dhisayaa!

Ugu dambeyn, Burco waa nolol magaalo iyo nolol miyi oo isku dhafan!
Xagga miyiga iyo noloshiisa, magaaladu waxay hodan ku tahay kheyraadka xoolaha nool (sida caanaha, subagga, cadka/muqumad, hargaha/saamaha iwm) iyo kheyraadka kala geddisan ee dhulka iyo dhirta laga helo.
Xagga magaalada iyo dhaqaaleheeda, waxyaalo/walaxyo tiro badan ayaa daafaha dalka iyo dunida kale laga soo daldalaa oo Burco loo soo dhoofiyaa sida cunto, dhar, qalabyo iyo alaabooyin kala geddisan!

Sidoo kale, waxay Burco hodan ku tahay biyo macaan (maaxda dooxa Togdheer iyo ceelasha), riigag biyo oo dhowr ah, khudrad, dhul dabiici ah oo xoolo/xayawaan/dhir iwm leh oo daawasho ama dalxiis ku habboon, seyladda xoolaha nool (adhiga, geela iyo lo'da) ee dalka ugu weyn, ganacsi joogto ah, nabadgelyo fiican... iyo nolol wanaagsan/maceeshad jaban oo dadka danyarta ah, xaasleyda iwm iyo cid walba u wacan!
Gebo-gebo: Burco waa meel aan magaalo kale iyo miyi midna lagu doorsan karin!!

S15) Sidee ayaan idiin la soo xidhiidhaa/xidhiidhi karaa? Qofka guriga kiraynaya, dadka guriga leh sidee loo heli karaa?
J15) Dadka guriga kiraynayaa ee halkan ku xayeysiistay Burco ayey deggan yihiin oo ay ku nool yihiin! Hase yeeshee, dadka Qurbo-joogga ah ee dalka debeddiisa ku nool habka, kirada iyo wax kasta waa loo hawl yareeyey! Waxayna la soo xidhiidhi karaan e-mailkan, jamsah@supanet.com.

Burco: Waxaa lala xidhiidhi karaa Cabdi Kurumbe 00252 24315992 ama e-mailka jamsah@supanet.com, kolba sidii qofka soo xidhiidhaya u hawl yar, u kharash yar ama u dhakhso badan!

UK/Abroad/Qurbo-Joog iwm: waxay farriin u soo diri karaan e-mailkan jamsah@supanet.com.

Haddii aanad Burco la xidhiidhi karin, fadlan, farriintaada e-mailkan, jamsah@supanet.com, u soo dir inta aanad dhoofin si farriintaadu hore noogu soo gaadho!

Markaad Burco tagtona qofka guriga kiraynaya/iibinaaya? oo furayaashii kuula diyaar ah, gurigiina kuu sii diyaariyey ayaad Burco kula kulmi doontaa, Insha Allaah.
Hase yeeshee, marka hore (gaar ahaan, haddii aanad Burco ama Dalkii Hooyo gudihiisa joogin) waa in aad e-mailkan, jamsah@supanet.com, la soo xidhiidho ama aad Burco la hadasho (kolba sidii kuu hawl yar, kuu dhakhso badan ama kuu kharash yar) si arrimo badan sida kirada guriga, goorta aad tegeyso (exact date, please), guriga aad rabto, inta qof ee aad tihiin, haddii carruur, xaas iwm ay kula socdaan... muddoda aad joogeyso iwm iyo waxyaalo kale oo badan aad u sii dhammeyso. Amaba si aan, hortaa, guriga dad kale looga kireynin ama ollga iibinin!

Gurigan waxaa leh dad xalaal cun, reerkii iyo ciddii kale ee kireysata ama iibsatana waxaannu ugu soo duceyneynaa "Gurigii Lagu Nastee, Lagu Negaado" Ilaahay ha idiinka dhigo.
Waa beyd fiican oo beled wacan ku yaal ee bashbash, barwaaqo iyo nabadgelyo badan ku noolaada! Aamiin.

Sx) Faah-faahin intaas ka badan ama arrin Su'aalahan/Jawaabahan ka baxsan?
Fadlan, soo xidhiidh, si su'aalahaaga lagaaga soo jawaabo!!
E-mailku waa: jamsah@supanet.com. Tilifoonkuna waa Burco: 00252 24315992 (Cabdi).
(kolba sidii kuugu fudud, kuu kharash yar ama kuugu dhakhso badan!)


Questionnaire | About Me | Home | Links | Ogeysiis

© 2005-2008 Computer SAS web site hit counter