| BISHAARO? | BILKHEYR! |
Ama
ii) Hooso dayatactir/dukaan khaas ah oo lagu sameeyo ama lagu dayactiro qalabka farsamada ee xafiisyada iyo guriga lagu isticmaalo sida kombuyuutarka (computer), mishiinka daabacaadda (printer) iyo wixii la xidhiidha iyo alaabta adeegga guriga/xafiisyada ee danabka/korontada ku shaqayeeya.
Waxaan ahay farsamoyaqaan weyn, Computer Technician, oo waayo-aragnimo badan, xirfad dheeraad ah, waxbarasho sare, tababar gaar ah iyo cilmi fog, Electronics Engineer, u leh qalabkan farsamada ee aan kor ku soo xusay, gaar ahaan:
Sida loo dhiso/sameeyo markay cusub yihiin, sida ay u shaqeeyaan/loo isticmaalo, habka loo hagaajiyo haddii ay xumaadaan ama cilladaha looga saaro ee loo saxo wixii ka khaldan si ay dib ugu shaqeeyaan, sida loo dayactiro/sameeyo/kabo markay jabaan ama u baahan yihiin in wax laga beddelo.
Iyo arrimo kale oo fara badan oo aan halkan lagu soo koobi karin!
Haddaba, adeegyada aan dadkeenna (iyo cido kaleba) ugu ballan qaadi doono waxaa ka mid ah:
Waxaan ahay farsamoyaqaan waayo-arag ah oo aqoon xeel-dheer u leh dadkeenna,* nolosheenna, dhakhligeenna/dhaqaalaheenna iwm. Sidaas darteed, macaamiishaydu waxay igala kulmi doonaan soo dhoweyn wacan iyo gacmo furan oo wanaag iyo sharaf lagu dheehay - sidii hiddaha iyo dhaqanka inoo ahayd!
Intaa kaddib, waxaan doonayaa in aan ogaado in adeegyadan ama ganacsigan oo kale looga baahan yahay bulshada dhexdeeda, gar ahaan, degaanka LONDON (Galbeed) ama agagaarka gobollada Berkshire iyo Middlesex.
Hase yeeshee, caawimo ayaan marka hore u baahan ahay!
Fadlan, ka jawaab su'aalahaygan fikrad-helista/qaadidda ah ee hoos ku qoran.
Haddii ay lagama maarmaan noqoto, fadlan, guuri su'aalaha oo meel kale la tag/ku qor. Kaddib, ka jawaab su'aalaha. Ugu dambeyntii, markaad dhammeyso, go'aanka/gebo-gebada iigu soo dir cinwaankan jamsah@supanet.com. Raalli iga noqo haddii hawli ku soo gaadho markaad su'aalahan ka jawaabayso. Horumarintii farta ayaan ku hayaa sida This Page Written in English!
Xusuus: Fadlan daabac boggan si aad mustaqbalka ii la soo xidhiidho, tixraac, booqasho, akhris iwm.
Su'aalo Gaaban oo Fikrad-Goob/Koobid ah:
Fadlan OGOW: Ma urursanno, Sina uma Kaydinno, Wax kalena uma Isticmaallo dadka Cinwaankooda iwm! Cidna Ma Tusno, Cidna Lama Wadaagno, Cidna uma Gudbinno/Sheegno e-mailka dadka iwm - Cid Awood Sheeganaysa, Cid Ganacsi Leh iyo Dad Si Kale u raba qof e-mailkii, war iwm toona!!
S1
Miyaad u malaynaysaa in adeegyadan/ganacsigan dadkeennu u baahan yihiin? (Fadlan, jawaab xulo):
Haa
Maya
Haddii aad Haa ku jawaabtay, adeeggee/ganacsigee ayaa loo baahan yahay?
i. Dugsi ama gole waxbarasho
ii. Hooso dayactir ama dukaan qalab
iii. Labadaba (Dugsi + Hooso/dukaan)
iv. Faahfaahin dheeraad ah (Fadlan, hoos ku faahfaahi):
a. haddii aad Hooso dayactir ama dukaan aad saxday, adeegee ama adeegyadee ayaa ugu muhiimsan (Fiiri, liistka aan kor ku faahfaahiyey ee hoosna ku taxan):
Upgrading, repairing existing PC etc
Buying custom built new PC, software or components
Software installations, programs, tools, applications etc
Computer/Internet/e-mail/network security, maintenance etc
Technical support and customer service
Payment assistance, aftersales care or additional service(s)
b. Degaankee ama halkee ayaa looga baahan yahay London iyo agagaarkeeda?
LONDON (Galbeed) eg Hounslow, Hillingdon, Uxbridge, Southall, Hayes...
Middlesex
Berkshire eg Slough etc
Meel kale
Haddii aad Meel kale saxday, fadlan, halkan ku magacoow
S2 Miyaa adiga, qoyskiinna/xaafaddiinna, xigaal/deriskiinna iyo saaxiib/asxaabtiinnu u baahan doonaan adeegyadana ama ganacsigan 3-da ilaa 12-ka bilood ee soo socda?
Haa
Maya
Haddiise waqti kale oo muddooyinkan ka soo horreeya ama ka dambeeya adeegyadan la rabo, fadlan, halkan ku sheeg:
S3 Miyaad u malaynaysaa in dadkeennu meherado kale u baahan yihiin?
Haa
Maya
Haddii jawaabtaadu Haa tahay, fadlan, magacow tusaale ahaan Dhar naqshadle/dawaarle, sawirle ama xarun maaweelo/madadaalin, dukaan cunto, hudheel/maqaaxi...
S4
Haddii laguugu deeqo farsamo-gacmeed oo fiican, qalab/alaab tayo leh iyo xirfad wanaagsan, isla markaasna qiime jaban ama lacag caqli gal ah wax lagaaga iibsho, ma laga yaabaa inaad macmill noo noqoto?
Haa
Maya
Haddii aad Haa tidhi, adeegyadan hoos ku xusan qaar ka dooro: (Inta ku khusaysa oo dhan sax).
a. Dayactir/hagaajin qalab ama alaab aad hadda haysato
b. Dhisid, farsameyn ama iibsasho alaab cusub sida Kombuyuutar, mishiinka daabacaadda iwm
c. Sameyn ama kabid qalab kale, tusaale ahaan, mishiinnada loo isticmaalo daawashada/dhegeysiga, maydhista dharka ama weelka, kuwa cuntada iwm
d. adeegyo kale oo aan liiskan ku jirin? (Fadlan, hoos ku qor):
S5
a. Miyaad ogtahay qof (adiga iyo cid kaleba) ganacsigan oo kale bilaabaya ama hindisaha ku haya inuu meherad iwm furo?
Haa
Maya
b. Mase taqaan dad ama ganacsi (urur/ururro, hay'ad samafal/iskaa-wax-u-qabso, kooxo bulshadeenna ka mid ah, meheradle/ganacsadeyaal...) u baahan xirfadahayga (lacag iyo lacag la'aan)?
Haa
Maya
Haddii aad Haa ku jawaabtay (mar ama laba goor), fadlan, hoygayga www.ComputerSAS.co.uk u soo tilmaan! Ama halkan ku faah-faahi:
Ama farriin iigu soo dir cinwaankan Mr JAMA.
S6
Miyaad jeceshahay in adeegyadan la soo magacaabay aad 'hadda' hesho, oo farsamo-yaqaanku gurigaaga/meheraddaada kugu soo booqdo si uu dhibaatadaada halkaas ugu xalliyo, mar walba iyo waqti kasta oo aad u baahato?
Haddii aad wax Talo iyo Tusaale ah oo arrinkan ku saabsan hayso, walaal Guddoon wacan:
Haa
Maya
Haddii jawaabtaadu Haa noqoto, fadlan, hoos ku qor adeegga aad rabto. Kaddib, ayaan su'aalahaaga ka soo jawaabi. Sidoo kale, haddii aad doorato, waan kula soo xidhiidhi karaa:
(
© 2005-2008 Computer SAS
HOY - Gurigayga ku hoyo
Feedback
Waxaa sameeyey: Mr JAMA
Forum